Orodyahanada u dhatay dalka Itoobiya ee Almaz Ayana ayaa jebisay rikoorkii u yaalay orodka 10,000 (tobanka kun) ee Mitir ciyaaraha Olombikada Adduunka
, iyadoo bilad Dahab ahna ka qaadatay tartankaasi.
Garoonka Olympic Stadium ee magaalada Rio de Janeiro ayaa loolan culus dhex maray haweenka ku loolamayay tartanka ordonka dheer ee 10-ka kun Mitie, waxayna Almaz Ayana dhigtay rikoor cusub oo ah: 29:17.45.
Gabadhan reer Itoobiya waxay jebisay rikoorkan oo ahaa kii ugu dheeraa oo yaalay muddo sanado ah. Ayana oo 24 sano jir ah waxay 14 seken ka soo gaabisay rikoorkii hore oo ay dhigtay Wang Junxia olombikadii Beijing 1993 oo iyadu ku oroday 29:31.78.
Wadani.com