Sanad kadib qarixii weynaa ee kooxda Alshabaab la beegsaday Baarka caanka ah ee Pizza House ayaa mar kale dayactir lagu sameeyay iyadoo dib loo furayo.
Baarka ayaa si weyn loo qurxiyey loona casriyeeyay, waxaana ka muuqda bilic ka darran markiisii hore, iyadoo milkiilayaasha Baarka ay dayactir heer sare ah ku sameeyeen, kuna soo beegeen furitankiisa bisha Soonfur iyo Ciidul fitriga.
Pizza House ayaa ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ahaa xarun ay ku nastaan dhalinyaradda dabaqadda dhexe iyo Qurbe joogta isagoo leh muuqaal ka duwan baararka kale ee magaalada Muqdisho, waxaana kooxda Alshabaab ay ku dishay dad ka badan 25 qof markii qarax is-miidaamin ah iyo dabley wada socda ay ku qamaameen 14 June 2017.
DAAWO SAWIRRADA
HOOS KA DAAWO MUUQAALKII PIZZA HOUSE WEERARKII LAGU QAADAY KADIB
Howlgalkii Pizza House oo la soo gababageeyay iyo Meydad laga soo saaray [Sawirro & Warbixin]