Qaar ka mida Aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa rajo xumo ka muujiyey shirka uu ku baaqay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ee 1-da Febraayo 2021 ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.
“Alle ka sokow ma filayo inay wax kasoo baxayaan.. maxaa yeelay saddexdii arrimood ee la isku heystay kama soo jawaabin Farmaajo.. isagoo ka fakanaya cadaadiska Beesha Caalamka ayuu shir ku qabanayaa Dhuusamareeb.. marmarsiiyo ayuu ka dhiganayaa, kadibna Barlamaanka inuu isugu yeero … taasina u socon meyso.. ayaandarro iyo waqti lumis ayuu noqon doonnaa..” ayuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo la hadlay VOA-da.
Wuxuu intaas ku daray haddii aan lagu heshiin qodobadda la isku hayo Doorashada inuusan macne yeelan doonin shirka uu isugu yeerayo Baarlamaanka, haddii aanu ka tanaasulin arrimaha Gedo, Guddiyada Doorashada ee uu magacawday iyo Arrinta Somaliland.
