Xubin ka mida Guddiga Anshaxa Doorashooyinka Madaxweynaha Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa warbixin ka jeediyay fadhiga labada aqal ee Baarlamaanka.
Wuxuu sheegay inuu Guddigu ka kooban yahay 8 qof oo magacyadooda uu goobta ka aqriyay, iyadoo laga reebay Faadumo Dayib, wuxuuna ka codsaday xildhibaanada inay sare joogsadaan isagoo qaaday heesta SOOMAALIYEEY TOOSOO, iyadoo xildhibaanada ka daba qaadeen heesta.
Prof. Cabdi Ismacil ayaa sheegay inuu isagu guddoomiye u yahay Guddiga anshaxa Doorashada Madaxweynaha, wuxuuna balanqaaday in iyagoo Alle ka baqaya ay qaabka doorashada ka dhigi doonaan mid xalaal ah.
Wuxuu xildhibaanada weydiiyay su’aalo dhowr ah oo ay ka yihiin: Halkii ay Soomaaliya joogi jirtay, halka ay maanta taallo iyo meesha ay u socoto.
Wuxuu xildhibaanada xusuusisay xaaladda adag ee dalku marayo iyo abaaraha dadku u dhimanayaan, wuxuuna ku booriyay inay doorashada ay si xalaal ah u dhacdo.
Wadani.com