Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku guuleystay xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Prof. Jawaari ayaa codeyntii maanta ka dhacday magaalada Baydhaba uga guuleystay Wasiirkii Hore ee Kaluumeysiga ee Soomaalya Mr. C/raxmaan Sheekh Ibrahim Xeydar. Jawaari ayaa helay 45 cod, halka C/raxmaan Sheekh uu helay 5 cod.
Waxaa la filayay inuu loolan adag soo wajaho Jawaari, laakiin waxaa u suuragashay inuu kursigiisa dib u helo.
Dhinaca lale Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa Noqday Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka yimaada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia kadib markii ay u tanaasushay musharax Ruqiyo Sheekh Maxamed oo la tartameeysay.
Waxaa kaloo kursigeedii dib u hanatay xildhibaan Fowsiyo Sheekh Maxamed oo iyaduna heshay codad 49 cod gaaraya.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com