Puntland ayaa mar kale ku eedeysan ciidamada dowladda Soomaaliya inay qeyb ka ahaayeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Degaanka ee Puntland una qaabilsan dagaalka Gaalkacyo Cali C/laahi Warsame ayaa sheegay in dagaaladii ugu dambeeyay ee shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ay ka qayb qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya ee NISA.
Wasiirka Deegaanka ee Maamulka Puntland Cali C/laahi Warsame ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka ay wadaan madax ka tirsan Galmudug oo uu ka mid yahay wasiirka Amniga Taar-dhuleed, ayna Puntland heyso caddeymo ku aadan arrintaas.
Xaaladda magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inay degan tahay saaka inkastoo rasaas goosgoos ah la is weydaarsanayo.
DHAGEYSO WASIIRKA
Wadani.com