Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Puntland iyo Jubbaland oo taageeray Musharaxiinta Saciid Dani & Cali Xaaji Warsame

    Puntland iyo Jubbaland oo taageeray Musharaxiinta Saciid Dani & Cali Xaaji Warsame

    December 26, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa isla gaaray inay taageeraan Murashaxiinta

    kala ah Saciid C/llaahi Dani iyo Cali Xaaji Warsame oo labada ka soo jeeda deegaannada Puntland, kaddib kulamo is daba joog ah oo beelahan ay ku yeesheen Garowe iyo Muqdisho.

    Kulan ka dhacay hotelka Paradise ee magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen xildhibaannada ka soo jeeda deegannadaasi, oo ay joogeyn Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa fashil ku dhamaaday, kaddib markii ay xildhibaannadu muujiyeen in Cumar Cabdirashiid laga soo sharraxay deegaannada Koofur Galbeed, sidaa darteedna loo baahan yahay musharaxiin xambaarsan fikirka dadka reer Puntland. 

    Kulankii ka dhacay Hotel Paradise ayaa Madaxweyne Gaas uu ka gaabsaday in Xildhibaanada laga soo doortay Puntland uu ku adkeeyo taageerida Cumar C/rashiid, taa bedelkeed wuxuu carabka ku dhajiyay inay taageeraan meesha danta Puntland ku jirto.

    Warar lagu kalsoon yahay oo ay heleyso Jowhar.com ayaa xaqiijinaya in odayaasha iyo xildhibaannadu isku raaceen  in Cali Xaaji Warsame iyo Saciid Dani ay noqdaan murashaxiinta matala Puntland iyo Jubbaland.

    Kulan qado ahaa oo uu shalay u sameeyay Xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland ayuu kaga dalbaday inay taageeradooda siiyaan, balse Xildhibaanada ayaa si cad ugu sheegay in aanay taageereyn.

    Is fahanka ka dhaxeeya Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la aaminsan yahay inuu saameyn ku yeeshay go’aanka xildhibaannada laga soo doortay Jubbaland.

    Saciid Dani iyo Cali Xaaji Warsame ayaa saameyn xooggan ku dhex leh xildhibaannada labada Aqal ee Puntland iyo Jubaland, waana shakhsiyaad siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo sumcad ahaanba ku wanaagsan marka laga hadlayo bulshada deegaanada Puntland iyo Jubaland.

    Horraantii bishan ayey ahayd markii kulan ka dhacay Garowe oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweyne Gaas oo ujeeddadiisu ahayd in la taageero Cumar Cabdirashiid, uu gaashaanka u daruuray C/raxmaan Faroole isla markaana ay ku kala qeybsameen beelaha Puntland.

    Cumar C/rashiid ayaa olole xooggan ka wada magaalada Muqdisho iyo dalalka deriska oo safaro is-daba joog ku tagay, waxaa loo arkayay inuu ahaa xulashada koowaad ee Puntland, hase ahaatee waxaa soo baxday in labo musharax oo kale laga door biday.

    Xildhibaanada labada aqal laga soo doortay maamul goboleedyada ayaa badankood isugu xiran kudlad, waxaana ay iska dhex doorteen Guddiyo u gala ololaha doorashada Musharaxiinta oo ay aadayaan hadba meelaha ay taageerada badan ama lacagta ugu badan jiro.

    Ololaha xooggan ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa todobaadkan laga dareemay, markii Musharaxiinta qaar ay bilaabeen kulamo iyo xod xodasho ku aadan xildhibaanada, waxaana Musharax walba uu doonayaa inuu awoodiisa xoojiyo, ka hor inta aan la gaarin Tartanka doorashada Madaxweynaha

    Cali Xaaji Warsame Doorashada 2016 Saciid Dani
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXilliga la dooranayo Madaxweynaha cusub oo la ogaaday (Akhri jadwalka cusub)
    Next Article DEGDEG: Darawalkii waday Gaarigii lagu qarxiyay Dekadda Muqdisho oo la qabtay [Sidee ku nabad galay?]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo