Waxaa socda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan Musharixiinta Madaxweynaha, maamullada diidan Doorashada ay wadato Madaxtooyada Soomaaliya iyo guddoonka Aqalka Sare oo ku saabsan sidii go’aan mideysan looga qaadan lahaa Xaaladda Doorashada Dalka.
Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Golaha Mushariixinta Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo xubno lagu wado inay kusoo biiraan ayaa qorsheynaya go’aan wadajir ah oo ay ka qaataan Doorashada ay ku dhawaaqday xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu wado inay shirweyne isugu yimaadaan ay uga arrinsanayaan xaaladda dalka.
Waxaa socda xiriir ay leeyihiin madaxda Jubbaland, Puntland iyo Musharixiinta, waxaana lagu wadaa saacadaha soo socda ay soo saaraan Go’aan cusub iyo baaq shirweyne looga hadlayo xaaladda Doorashada oo ay ku jirto inay dhinacooda Doorasho qabtaan haddii Madaxweyne Farmaajo ku adkeysto qorshaha uu wato inay doorasho uga dhacdo Muqdisho iyo maamul Goboleedyada kala ah: Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed.

Waanwaan la doonayey in doorasho la isla ogol yahay dalka ka dhacdo ayaa soo idlaatya markii uu Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay inaan waqti kale la lumeynin, loona dhaqaaqay Doorasho.