Waxaa War-murtiyeed ka kooban 16 qodob laga soo saaray Shirkii madaxda Maamul Goboeedyada Puntland iyo Jubbaland uga socday magaalada Boosaaso (18-19 January 2020).
Labada maamul Goboleed aya sheegay in dowladda Federaalka aysan diyaarin karin jawi ay ku dhacdo doorasho Qof iyo Cod ah, waxayna ka horjeesteen dhammaan howlaha ay wado dowladda, sharciyadah ay ansixiyeen labada Gole ee Baarlamaanka.
Qoraalka ayaa lagu yiri: “Labada dowladood- Puntland & Jubbaland- waxay ugu baaqayaan dowladda Federaalka inay joojiso faragelinta ay ku heyso dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka”
HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKA