Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 26
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Puntland: Ma Kalsoonidii ayey kala noqotay dowladda Federaalka Mise Aqoonsi..?

    Puntland: Ma Kalsoonidii ayey kala noqotay dowladda Federaalka Mise Aqoonsi..?

    March 31, 2024Updated:March 31, 20243 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan uu ku sheega inuu Aqoonsigii kala noqday Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sabab uga dhigay ansixinta Afar cutub oo ka mida Dastuurka KMG ah.

    Shir golaha wasiirada Puntland ku yeesheen Garowe ayey ku sheegeen in Puntland ay tahay dowlad leh awood dhamaystiran oo madax bannaan, inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay.

    Puntland ayaa Janaayo 2023 sidan oo kale xiriirkii u jartay dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo markaas shaacisay inay u dhaqmeyso sida dowlad madax bannaan.

    “Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 31ka bisha Maarso 2024 shir aan caadi ahayn ku yeeshay Caasimadda Garowe Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland. Shirka waxaa looga arrinsaday tallaabada ay shalay oo ah 30kii Maarso 2024 ay Golayaasha Dowladda Federaalka ah ku buriyeen Dastuurkii lagu ansixiyey magaalada Muqdisho 2012kii taa badelkeedan si sharciyada baalmarsan loogu meel-mariyey dastuur cusub oo laga leeyaahay dano-gaar ah. Tillaabadaas oo ay Dowladda Puntland hore marar badan uga digtay in haddi lagu tillaabsado ay wax u dhimayso midnimada, dowlad-dhiska iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed. Dowladda Puntland waxay u aragtaa in go’aankii Golayaasha Federaalku ay shalay gaareen uu buriyey sharciyaddii iyo heshiisyadii illaalinaysay midnimada Dalka ee ku dhisanayd hannaanka Federaalka ah”.” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.


    “Dowladda Puntland, iyada oo ka duulaysa: Qodobka 142-aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, kaas oo dhigaya “illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamuladii jiray ka hor inta aan la qaadan Dastuurka ku meel gaarka ah, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo”,

    Qodobka 4-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland, farqaddiisa 4-aad, xarfaha (b) iyo (t), kuwaas oo dhigaya “Dowladda Puntland waxaa u banaanaanaysa in ay dib u eegto ka sii mid ahaanshaha Dowladda dhexe ee Federaalka, haddii Soomaalidu ku heshiin weydo qaab dhismeed dowladeed oo aan ka hooseyn nadaamka federaaliga ah, ayna daba dheeraadaan deganaasho la’aanta iyo dagaalada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.

    Sidoo kale iyadoo la tixraacayo lana fulinayo go’aamadii ka soo baxay shirweynahii wadatashiga guud ee Puntland ee ka qabsoomay Garowe 17kii Maarso 2020, Qodobkiisa 10-aad kaas oo lagu go’aamiyey in Dowladda Puntland ay qaadan karto go’aan kasta oo lagu badbaadinayo masiirka iyo mustaqbalka Umadeeda ee Dastuurka Federaalka iyo Puntland u ogol yahay kuna matasho shacabkeeda.

    Puntland waxay gaartay Go,aamadaan:

    1. Dowladda Puntland waxay kala noqotay aqoonsigii iyo kalsoonidii hay’addaha Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay
    2. Sida uu qabo Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 3- aad, Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay aasiga ah ee
    3. lyadoo la raacayo qodbada aasaasiga ah ee Dastuurka dowladda federalka ah ee Somalia Cutubkiisa 1-aad qodobkiisa 1-aad farqada 1-aad iyo farqada 2- aad ee Mabaadida aasaasiga ah, oo u qoran sidaan” waxaa reebban in qof ama qeyb ka mid ah bulshada sheegto gobanimada jamhuuriyada federalka ah ee Soomalia ama u adeegsadaan dastuurka si gaara” sidaa daraadeed Xasan sheikh Maxamuud waxuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey. Hadaba, Xasan Sheikh Maxamuud waxuu lumiyey sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.
    4. Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa wadashaqeyna la yeelanaysaa cidkasta oo aqoonsan kuna dhaqmeysa dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyey 1-dii August 2012.
    5. Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda.
    6. Go’aankan Golaha Xukuumadu meel-mariyey waxaa la horgeynaya ee Golaha Wakiilada ee Dowladda Puntland.
    Aqoonsiga Puntland Puntland Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleSiyaasiyiin Caan ah oo Qaadacay Dastuurka cusub ee Baarlamaanka Federaalka Ansixiyay
    Next Article Siciid Deni oo Wakiilka Q/Midoobay u sheegay Dastuurka ay ku dhaqmayaan xilligan

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo