Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabo kale oo ku saabsan inuu dib u celiyo lacag ay dowladda Federaalka u dirtay Guddiga Dhismaha Garoonka Ciyaaraha Cawaal ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, iyadoo ciidamo u dirtay magaaladaasi.
Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in madaxda Puntland ay ku amreen Guddigam Dhismaha garoonka Cawaale in dib u celiyaan lacagtii uga timid Ra’iisal wasaare Kheyre oo gaareysay 220-kun oo Doolar, taasoo laga diray Muqdisho markii Ra’iisal wasaare Kheyre uu la kulmay dhalinyarada iyo Guddiga gacanta ku haya dhismaha garoonkaasi.
Guddiga dhismaha garoonka Cawaale ayaa loogu hanjabay in la xiri doono haddii aysan dib u celin lacagtaasi, waxayna Puntland hore xabsiga u dhigtay mas’uuliyiinta Guddiga dhismaha Wadadda Boosaaso.
Gudoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in la celinayo lacag $220-Kun dollar ah oo dowladda Somalia ku taageertay dhismaha Garoonka Cawaale, wuxuuna sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo loo diray Gaalkacyo.
Dagaalka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa salka ku haya qeybsiga dhaqaalaha laga helo beesha caalamka oo Puntland kula xisaabtameyso dowladda Federaalka oo dhinaceeda lasoo baxday xeelad ay u gacan dhaaftay maamulka Puntland.