Maamul goboleedka Puntland ayaa tallaabo khilaaf hor leh abuuri karta xilli lagu jiro qabanqabaada doorashada 2016, kadib markii uu magaalada ku martiqaaday kuna soo dhoweeyay madaxweynaha maamul laga dhisay degaano ka mida Gobolka Bakool oo looga horjeeday Shariif Xasan Sheekh Xasan iyo maamulkiisa Koonfur Galbeed.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa qado sharaf u sameeyey Madaxweynaha degaanada loogu yeeray Bakool Sare Axmed Maxamed Mashruuc oo Puntland ay marti qaaday.
Waa markii ugu horeysay ee maamulkaasi markii la dhisay kadib la maqlo, iyadoo Puntland ay noqotay maamulkii ugu horeeyay ee soo nooleeya, isla markaana aqoonsada, tani oo sii xumeyn karta xiriirka maamulada dalka ka jira siiba Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Axmed Mashruuc ayaa Garowe ka sheegay inay Puntland ka doonayaan ka qeyb gelinta wadatashadaan qaabkii maamulka Bakool Sare uu uga qayb-qaadan lahaa doorashada 2016-ka iyo qaabka xulista labada aqal ee baarlamaanka dawladda Federaalka Soomaaliyeed.
Ujeedka Puntland ee soo nooleynta maamulka Bakool sare xilligan ayaa u muuqda in lagu doonayo boos looga raadiyo shirarka socda, iyadoo qaska siyaasadeed ee Puntland bilowday caqabad ku noqon karo shirarka maamulada dalka iyo dowladda federaalka oo midka ugu horeeya bisha soo socota ka furmayo magaalada Garowe, kaasoo dib loogu eegayo Dastuurka KMG ah.
Wadani.com