Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 25
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Puntland oo Digniin culus iyo Go’aan kasoo saartay dhammeystirka Dastuurka KMG ah

    Puntland oo Digniin culus iyo Go’aan kasoo saartay dhammeystirka Dastuurka KMG ah

    March 26, 2024Updated:March 26, 20244 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si adag u eedeysan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dano gaara u adeegsanay Dastuurka.

    War-saxaafadeed kasoo baxay Madxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay haddii la meel mariyo samaynta Dastuur cusub inaysan u hogaansami doonin, isla markaana aqoonsan doonin, waxayna ku dooday in Baaramaanka Federaalka aanu awood u lahayn sameynta Dastuur cusub.

    War-saxaafeedka Puntland wuxuu u qornaa sidatan:

    Puntland waxay marar badan ka hadashay baahida loo qabo dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, si taas loo gaarana ay muhiim tahay in marka hore heshiis siyaasi ah laga gaaro qodobada muhimadda u leh dhammeystirka dowlad dhiska Dalka, ee ku xusan qodobada 50-aad, 51-aad, 52-aad, 53-aad, 54-aad iyo qodobka 9-aad ee Dastuurka KMG ka ah oo ay ka mid yihiin qaybsiga iyo kala xadeynta awoodaha dowliga ah, hannaanka caddaaladda iyo qaybsiga khayraadka Dalka.

    Puntland waxay si adag uga soo horjeedaa, ugana digaysaa xaaladaha ka soo cusboonaaday dhabbaha dowlad dhiska hannaanka Federaalka ee Soomaaliya, gaar ahaan dadaalada ay Madaxda Dowladda Federaalku ugu jiraan in ay wax ka bedalidda Dastuurka Kumeel-gaarka ah, si aan Soomaali heshiis ku ahayna meesha looga saaro mabaadi’da asaasiga ah iyo qaab dhismeedka Dowladnimada ee ku salaysan hannaanka Federaalka, kaas oo ah mid dib u heshiin iyo awood qaybsi ku dhisan.

    Waxaa wax lala yaabo ah in wax ka beddelka dastuurka ee sharci darrada ah loo adeegsado heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka (NCC) iyadoo Puntland anysan qayb ka ahayn.

    Puntland waxay nasiib darro weyn u aragtaa in Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeynayaan in meesha laga saaro Dastuurka kumeelgaarka ah ee Federaalka, laguna bedalo Dastuur cusub oo laga dhex arko masaaliix gaar ah, khatarna ku ah midnimada iyo qaranimada Ummadda Soomaaliyeed sida ku cad Cutubka 1-aad, qodobadiisa 1-aad iyo 7-aad ee Dastuurka kumeel-gaarka ah.

    Waxaa la baalmaray dhammaan hannaankii iyo habraacyadii loo mari lahaa dib u eegista iyo dhammaystirka Dastuurka kumeel-gaarka ah ee ku cad cutubka 15-aad farqadihiisa 132- aad, 133-aad iyo 134-aad ee Dastuurka kumeel-gaarka ah.

    Baarlamaanka Soomaaliya awood iyo sharciyad midna umalaha samaynta dastuur cusub, waxaa dhammaystirka u baahan waa qodobo kooban oo kali ah, saxna ma ah in dastuurka dalka oo dhan la beddalo muranna la geliyo wixii umaddu ku heshiisay.

    Waxaa si aan heshiis lagu ahayn oo khilaafsan habraaca dib u eegista Dastuurka kumeel-gaarka ah loo tirtiray qodobo iyo farqado badan oo qaarkood asaasi yihiin, waxaa la soo kordhiyey qodobo iyo farqado cusub, waxaana wax ka beddal weyn lagu sameeyey qodobo iyo farqado kale, taas oo Dastuurka ka dhigaysa mid cusub oo aan heshiis lagu ahayn khilaafsanna hannaanka federaaleynta, dib u heshisiinta iyo awood qaybsiga ku dhisanaa ee Soomaalidu heshiiska ku ahayd burburkii kadib.

    Puntland waxay u aragtaa in nuxurka Dastuurka cusub uu falsafad ahaan ku dhisan yahay talo maroorsi khatar ku keeni karta xasiloonida iyo wadajirka Dowlad dhiska Soomaaliya.

    Puntlad waxay muujisay duqlad, waxay dhigtay gogol wadahal waxaase diiday in uu yimaado oo iska indha tiray Madaxwaynaha Soomaaliya oo laalay gogoshii wadahalka ee ay soo aqbaleen Madaxweyneyaashi hore, Ra’isul Wasaarayaashii hore iyo Siyaasiyiinta Soomaalyeed.

    Puntland waxay uga digaysaa Madaxweynaha Soomaaliya in uu sii wado dedaalka kaligiis ah ee qorista Dastuurka cusub fursadna la siiyo wada hadalo lagu illaalinayo midnimada dalka iyo badbaadinta hannaanta Federaalka ah iyo Dastuurka jumeel-gaarka ah ee heshiiska lagu yahay.

    Dowladda Puntland waxay u caddeynaysaa Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoonka iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Beesha Caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan (US, UK, EU, UN, AU, Denmark, Sweden, Germany, Switzerland, Norway, Qadar, Turky iyo UAE) in haddii la meel mariyo isku dayga samaynta Dastuur cusub aysan Dowladda Puntland u hogaansami doonin, aqoonsanna doonin, kuna dhaqmi doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka dalka oo aan heshiis lagu wada ahayn.

    Dastuurka Isbedelka Dastuurka Puntland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaxkamadda Ciidamada oo Sufyaan Taakeeye iyo Kooxdiisa ku riday xukunno kala duwan
    Next Article Faahfaahinta Weerarkii Alshabaab ee Daaru-Nimca iyo Wararkii ugu danbeeyay Qasaaraha..

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo