Golaha Wasiirada maamul Goboleedka Puntland ayaa shirkoodii maanta ka soo saaray war saxaafadeed intiisa badan ku saabsan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe iyagoo cambaareyn u jeediyay madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha calamka, kuna celiyay digniin dagaal sokeeye oo ka dhaca gobolada dhexe.
War saxaafadeedka Puntland ayaa weerar toos ah ku qaaday shirka Cadaado iyo maamulka lagu dhisay, waxayna sheegeen inaysan aqoonsaneyn sida ay sheegtay waxa loogu yeeray GALMUDUG, wax xiriir ahna aanay la yeelan doonin iyadoo weliba ka hortegi doonta inay dhulkooda kala qeybiyaan.
Dhinaca kale weerar afka ah ayay Puntland ku qaaday guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo ay sheegtay inuu dastuurka jebiyay, dagaal joogto ahna ku hayo jiritaanka Puntland iyo Jubba. Waxayna intaas ku dartay eedeyn ay u jeedisay qaar ka mida wakiilada beesha caalamka ee taageeray maamulka cusub ee Galmudug (Nicholas kay), iyadoo ku celisay inay ka horjeedo guddiyada qaran ee Muqdisho lagu dhiso.
War saxaafadeedka Puntland oo ay ka muuqato qalafsanaan iyo qaabka cusub ee loo qabiileynayo maamulada dalka hoos ka akhriso:
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]