Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha xilkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wasiir ka mida kuwa ugu dhow inay ka danbeeyeen abaabulka bannaanbax shalay ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Xalay ayaa War lagu qoray Warbaahinta dowladda lagu cambaareeyay Puntland inay awood iyo rasaas u adeegsatay bannaanbaxayaa si nabad ah isugu soo baxay magaalada Dhahar, waxaana intaas kadib wasiirka qorsheynta xukuumadda xilgaarsiinta Jamaal Maxamed Xasan uu farriin qoraal ah ku weerarray Madaxweynaha Puntland.
Wasiir Jamaal ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Iyadoo Puntalnd ay caadi ka noqotay xadgudubka saxafiyiinta, maanta Puntland waxay hub culus iyo rasaas nool u adeegsaday shacab aan hubeysneyn oo si nabadgelyo ah ku dibad baxayey Dhahar.. Ma aha wax la aqali karo, waana in Siciiid C/llaahi Deni si toos loogala xisaabtama..”
Warka Wasiir Jamaal iyo Warbaahinta dowladda waxaa jawaab culus ka bixiyey afhayeenka Madaxweynaha Puntland Jaamac Daparani oo qoraal uu soo saaray ku eedeeyay Maxamed Farmaajo iyo Wasiir Jamaal inay ka danbeeyeen bannaanbax fowdo ah oo la doonayey in amniga Puntland lagu khalkhal geliyo.
“Mohamed Abdullahi Farmaajo iyo Jamaal Hassan waxaad u abaabusheen banaabaxa si aad fowdo uga kicisaan Dhahar, Laakiin sida rabteen ma noqon, cidna kuma dhiman cidna kuma dhaawacmin nabad ayuu ku dhammaaday Ciidamaduna amniga ayeey sugeen. Abaabulada lagu khalkhal gelinayo xasiloonida iyo nabadgelyada waa qeyb ka mid ah rafashada Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday!” ayuu Jaamac Daparani ku yiri qoraalkiisa jawaabta u ahaa weerrarkii Wasiir Jamaal ku qaaday Madaxweynaha Puntland.
Farmaajo oo qorshihiisa inuu xukunka sii joogo ay ka hor yimaadeen madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa hadda ku howlan sidii uu maamulladaasi gacan ugu yeelan lahaa, waxayna hore Puntland ugu eedeysay inuu lacag u diro kooxo abaabulan oo Puntland ka jira si colaad looga rido maamulkaasi.