Maamulka Puntland ayaa la sheegay inuu iska celiyay Diyaarad ay la socdeen Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Sacdiya Yaasiin Samatar iyo wefdi ay hoggaamineyso.
Xubnaha ay wafgiga waxaa ka mid ahaa: Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan, Wasiiru-dowlaha Macdanta Maxamuud Mashruuc, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale kasoo jeeda Puntland, waxaana laga dejiyay Diyaaradii ay raaceen, markii amar diidmo ah ka yimid madaxda Puntland.
Mas’uuluyiintan ooaku sugan Garoonka Muqdisho, kadib markii laga dejiyey diyaarad u raaceen Puntland ayaa la sheegay inay u socdaan arrin dhaqan oo ah ka qeybgalka Ugaaska la caleemo saarayo Suldaan Bashiir Suldaan Carab, oo ah suldaanka beesheeda.
Sanadkii hore ayey Puntland hawada uga celisay diyaarad ay la socotay Guddoomiye ku xigeenka Golaha shacabka xilli ay dooneysay inay tagto magaalada Boosaaso, iyadoo arrintaas ay sababtay iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac dhaliyay.
Puntland ayaa horaantii Bishii Janaayo 2023 waxay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, iyadoo sheegtay inay u dhaqmeyso sida dowlad madax bannaan.