Maamulka Puntland ayaa dib u fasaxay doorashada Aqalka hoose ee Baarlamaanka, kana socotay magaalada Garowe kadib cadaadis uga yimid beesha caalamka.
Guddiga Doorashada Puntland oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garowe ayaa xaqiijiyay in la fasaxay doorashada Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Garowe ayna dib u bilaaban doonto maalinta Axada ee soo socota Doorashada 7 kursi oo ka mid ah 16 kursi oo ka harsanaa 37 kursi.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii Beesha Caalamka cadaadis ku saartay madaxda Puntland inaysan ku gorgortamin qabashada Doorashada oo ay fasaxaan oo kaliya ay xubnaha la isku heysto saameyn ku yeelato wixii dib u dhac ah.
Guddiga ayaa ka hadlay qoondada haweenka iyo doorashada oo lagu soo gabagabeynayo muddo laba maalmood ah, waxaana beelaha loogu baaqay inay xareeyaan ergooyinka doorashada.
Akhri Qoraalka Guddiga