War-saxaafadeed kas oo baxay Golaha Wasiirada Puntland oo shir yeeshay shalay ayaa looga digay Baarlamaanka Soomaaliya inuu ansixiyo xeerarka horyaalla.
Qoraalka Golaha Wasiirada Puntland ayaa lagu sheegay in Dastuurka Federaalka uu yahay Qabyo oo aanay kooxna si gooni ah u fasiran karin, isla markaana baarlamaanku ansixin karin xeerarka iyadoo aan laga wadahadlin.
Lama oga xeerarka ay Puntland ka fiigsan tahay, waxaase muuqata inay tahay maamul goboleedka kaliya ee isku dayaya inuu hor istaago shaqada Baarlamaanka Federaalka oo ay ku jiraan xildhibaanada laga soo doortay Puntland.
AKHRISO QORAALKA