Maamulka Puntland ayaa ka hortegay oo joojiyey bannaanbax la sheegay in lagu taageeri lahaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Boosaaso.
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga magaalada Boosaaso ay ka hortegaan dad la abaabulay oo doonayey inay bannaanbax maanta ka dhigaanmagaalada Boosaaso, kaasoo taageero loogu muujin lahaa madaxweyne Farmaajo.
Ciidamada magaalada Boosaaso ayaa kala eryay dad tiradooda lagu sheegay tobanaan oo ku howlanaa bannaanbaxa, iyadoo gebi ahaan la baajiyey.
Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda Federaalka dhowaan ku eedeeyay inay faragalin ku heyso Puntland, kuna howlan tahay inay dumiso, iyadoo la xiriireysa dhalinyaro iyo beelo kasoo jeeda degaanadaasi.
