Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Puntland oo ku dhawaaqday inay tahay Dowlad ka madax bannaan Somaliya (Akhriso)

    Puntland oo ku dhawaaqday inay tahay Dowlad ka madax bannaan Somaliya (Akhriso)

    January 9, 2023Updated:January 9, 20236 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu noqday maamul ka madax bannaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, inta lana ansixinayo Dastuurka Federaalka ee KMG ah.

    Qoral kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay inay Puntalnd lahaaneyso awood dowlad madax bannaan, wuxuuna qoraalka u qorna sida soo socdot:

    DAWLADDA PUNTLAND EE SOOMAALIYEED
    Puntland Government of Somalia
    09 January-2023

    Go’aanka Dowladda Puntland ee geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka Federaalka Soomaaliya

    Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay boggaadineysaa dadaalka 18 sano jirsaday ee dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana soo bilowday heshiiskii ka soo baxay Shirweynihii Mbagathi Kenya ee sanadkii 2004, kaas oo lagu aasaasay Dowladda Federaalka ah iyo Dastuurka kumeel gaarka ah ee lagu unkay hannaanka federaalka ee Dalka.

    Dowladda Puntland iyo Shacabkeeduba waxay hormuud ka noqdeen geeddi socodka dib loogu hirgeliyey dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan

    1. Puntland waxay ciidan, dhaqaale iyo maskaxba ku bixisay in Dowladdii kumeel gaarka ahayd ee Federaalka ay dib uga hawlgasho Caasimadda Soomaaliya 14 sano kadib markii Dowladdii dhexe meesha ka baxday 1990kii.

    2. Waxay qayb ka qaadatay in la gaaro heshiisyo lagu hubinayo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka baxdo kumeel gaarnimada si dib u dhis loogu sameeyo hay’adaha dowliga ah, loona hagaajiyo amniga iyo hannaanka maamulka, isla markaasna kor loo qaado dhaqaalaha Dalka. Tusaale; shirarkii taariikhiga ahaa ee Garowe – 1, Garowe – 2 iyo Gaalkacyo.

    3. Dowladda Puntland waxay sidoo kale qayb ka qaadataa wada xaajoodyada looga arrinsanayo amniga guud ee Dalka, dhaqaalaha, horumarinta qawaaniinta ku dhisan hannaanka federaalka ah ee Dalka sida dib u eegista Dastuurka kumeel gaarka ah

    4. Dowladda Puntland waxay si hagar la’aan ah u siisaa taageero dhinacyo badan leh dhismaha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Federaalka ah

    5. Puntland waxay qayb ka qaadataa doorashada hay’adaha Federaalka ah sida Aqalka Sare, Golaha Shacabka iyo doorashada Madaxweynimada intaba.

    Iyadoo Dowladda iyo Shacabka Puntland ay sidaas mar walba diyaar ugu yihiin ka mid ahaanshaha dadaalka dowlad dhiska Soomaaliya heerarkeeda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, waxaa Dowladda iyo Shacabka Puntlandba u caddaatay in geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya u baahan yahay in meesha laga saaro hagar daamada fashilin karta geeddi socodka, lana ixtiraamo qawaaniinta lagu heshiiyey, gaar ahaan Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya.

    Si loo gaaro heshiisyo wadar oggol u ah arrimaha horutabinta u leh dhammeystirka dhismaha hannaanka federaalka ah ee Dalka, Dowladda Puntland waxay u aragtaa in ahmiyad la siiyo dhammeystirka qodobada soo socda:

    1. In Dalka laga xoreeyo Argagixisada Al Shabaab iyo Daacish

    2. In heshiis wadar oggol ah laga gaaro arrinta Somaliland a) Dowladda Federaalka ah iyo Somaliland b) Dowladda Puntland iyo Somaliland

    3. In heshiis siyaasadeed oo wadar oggol ah laga gaaro qorshaha dowlad dhiska

    4. In heshiis loo dhan yahay laga gaaro Maqaamka Caasimadda Soomaaliya

    5. In laga heshiiyo hab dhiska hannaanka federaalka ah si loo helo awood qaybsi ku dhisan hab wadar oggol ah

    6. Dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah, is waafajinta Dastuurka Federaalka ah iyo kan Puntland iyo in Afti dadweyne oo loo dhan yahay loo qaado Dastuurka Federaalka

    Haddaba, Dowladda Puntland, iyadoo illaalinaysa aayaha masiiriga ah ee Shacabka Puntland, fulinaysana waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay ku wargelinaysaa dhammaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo kuwa Gobolka qodobada soo socda:

    1. Inta laga dhammeystirayo qodobada horutabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya ee kor ku xusan, Dowladda iyo Shacabka Puntland waxay fursad buuxda siinayaan horumarinta danaha gudaha Puntland gaar ahaan xoojinta amniga, daadajinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo dowlad wanaagga, horumarinta dhaqaalaha iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah si loo hubiyo in qofkasta oo Puntland ku nool uu heli karo amni sugan iyo adeeg bulsho.

    2. Sida ku cad Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay Dowladda Federaalka ah kala xaajoonaysaa danaheeda inta laga gaarayo dhammeystirka hannaanka federaalka ee Dalka “Awoodaha Dowladda Puntland ay ku wareejin doonto Dowladda Federaallka ee Soomaaliya iyo xuquuqda ay yeelanayso Puntland waxay ay ku imaanaysaa wada xaajood iyo heshiis dhex mara Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka ah iyo kan Dowladda Puntland”

    3. Sida ku cad Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, Dowladda Puntland waxay xaq u leedahay in, iyadoo qayb ka ah dowlad dhiska Dalka, ay u dhaqanto sidii dowlad u madax bannaan fulinta dhammaan waajibaadyadeeda dowliga ah

    “illaa inta laga gaarayo goorta dhammaan dastuurada dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka la waafajinayo Dastuurka Dowladda Federaalka, Maamulada jira ka hor inta aan la qaadan Dastuurkaan kumeel gaarka ahi, waxay sii haysanayaan awoodaha dastuurkoodu siinayo”

    3.1 Qodobka 142-aad farqaddiisa 1-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya wuxuu waafaqsan yahay Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 3-aad kaas oo Dowladda Puntland siinaya xuquuqda in ay u dhaqanto sidii Dowlad madax bannaan inta (si Puntland qayb ka tahay) loo dhammeystirayo Dastuurka Federaalka ee kumeel gaarka ah “inta laga dhammeystirayo Dastuurka Federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel mariyey, Puntland waxay lahaanaysaa awood dowlad madax bannaan” Dowladda Puntland ee Soomaaliya, iyadoo illaalinaysa midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya, xoojinaysana doorkeeda dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya, kana duulaysa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka, waxay go’aan ku gaartay:

    1. Si waafaqsan Dastuurka Federaalka qodobadiisa 142-aad, farqaddiisa 1-aad, qodobka 53-aad, farqadihiisa 1, 2, & 3-aad iyo Dastuurka Dowladda Puntland qodobka 4-aad, farqaddiisa 2-aad, Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay in ay si iyada gooni u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya kala xaajooto heshiisyada dowlad dhiska gaar ahaan tubta dhammeystirka Dastuurka kumeel gaarka ah ee Federaalka, heshiisyada siyaasiga ah ee awood qaybsiga, hab dhiska amniga, heshiisyada habka wadaagga khayraadka iyo deeqaha caalamiga ah.

    2. Inta laga dhammeystirayo wada xaajoodyada Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland ee arrimaha kor kuxusan, Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda Puntland waxay dhiggooda Dowladda Federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha Dowladda Puntland si waafaqsan Dastuurkeeda qodobkiisa 4- aad, farqaddiisa 3-aad.

    3. Si waafaqsan Dastuurka kumeel gaarka Federaalka Soomaaliya, qodobkiisa 51-aad, farqaddiisa 2-aad, xarfihiisa a, b & c, Dowladda Puntland waxay xiriir walaaltinimo, daris wanaag iyo wada shaqeyn la yeelan kartaa Dowlaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya si laysaga kaashado danaha ka dhexeeya.

    4. Dowladda Puntland waxay daneeyayaasha Beesha Caalamka iyo Dowladaha Gobolka uga mahad celinaysaa garab istaagga joogtada ah ee dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, siyaasadda iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadantinimo.

    Puntland Somalia Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleGuddoomiyaha Baarlamaanka oo 15 xildhibaan u magacaabay saaxiibtinimada Turkiga
    Next Article Dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo kala saxiixday Afar heshiis oo muhiim ah

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo