Maamul Goboleedka Puntland ayaa ku gacan seyray tirakoob ay wasaaradda qorsheynta federaalka iyo hay’adda UNFPA shalay ku soo bandhigeen magaalada Muqdisho oo lagu faafiyay tirada dadka Soomaaliyeed iyo tirada gobolada dalka oo lagu saleeyay 18 kii gobol ee ka horeeyay 1991.
Wasiirka Qorsheynta Puntland Cali Axmed Faatax ayaa goor dhow saxaafadda  kula hadlay Magaalada Garowe, isagoo si weyn u diiday tirakoobka Muqdisho lagu faafiyay, wuxuna halkaasi ku soo bandhigay tirakoob Degaanada Puntland ka sameysay Wasaaradiisa.
Tirakoobka ay Puntland iskeed u sameysatay ayaa muujinaya sida soo soocta:
Maamulka Puntland ayaa u muuqda inuu go’aansaday inuu wax waliba ku khilaafo dowladda federaalka ah inkastoo tirakoobka Muqidsho lagu shaaciyay shalay lagu sheegay mid qiyaas ah oo hay’ada ka tirsan Qaramada Midoobay ay sameysay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]