Dawlad Goboleedka Puntland ka hor timid oo canbaareysay mooshinkii Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen ee shari darro ka dhigay dhismaha golaha Wakiila KMG ah ee Jubba.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sharci darro ku tilmaantay go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna taageertay jawaabtii maamulka Jubba ka bixiyay, iyadoo warsaxaafadeedka Puntland lagu sheegay inuu damiirkii ka dhintay baarlamaanka Soomaaliya.
HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEEDKA
Maamulka Puntland ayaa si joogto ah u taageera Axmed Madoobe, waxaana jira xiriir aan fiicneyn oo kala dhaxeeya dowladda Federaalka. Dhinaca kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa si buuxda u taageeray go’aankii Baarlamaanka, waxayna arrintan muujineysaa khilaaf hareeyay maamulada iyo dowladda Federaalka.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]