Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mowqif aan la fileyn oo dhexdhexaad ah ka qaaday iska hor imaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Dowlada Puntland waxa ay isha ku haysay waxa ka dhacayay xalay saqdii dhexe iyo Saaka aroortii Magaaladda Muqdisho, waxaa wax laga xumaado ah in iyadoo la sugaayo doorasho ka dhacda Dalka ay timaado falal abuuri kara qalalaaso iyo xasilooni daro ka aloosanta dalka oo weliba ay qayb ka noqdaan ciidamada qalabka sida ee loo diyaariyey in ay dhowraan karaamada iyo sharafta muwaadinka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweyaha Puntalnd Siciid C/llaahi Deni.
Qoraalka Puntland kasoo saartay weerarkii ciidamada dowladda ku qaadeen madaxweynayaashii hore iyo rasaastii lagu furay Musharixiinta Madaxweynaha ee bannaanbaxyada waday ayaa lagu soo gabagabeeyay: ” Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan masuuliyiinta dalka in uu caqligu taliyo oo aan dhiig loo daadin kala aragti duwanaan siyaasadeed iyadoo lagu xaliyi karo sifooyin kale oo ka haboon. Lana iIlaaliyo dimuqraadiyadda curdunka ah ee aynu haysano, fursadna aan loo siin ururada argagixisada in ay helaan siyaabo ay ugu soo noqdaan magaaladda Muqdisho oo ay dhibaatooyin uga geystaan.”
Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa hore u taageersanaa Musharixiinta Madaxweynaha ee ay is hayaan Madaxweynaha xilka ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, lamana oga waxa iska bedelay.