Maamul Goboleedka Puntland ayaa noqday maamulka ugu liita ee ka hor yimid qoondada haweenka ee Doorashada Aqalka hoose.
Doorashadii Aqalka hoose ee Garowe ka dhacday ayaa la xaqiijiyay in 37 xildhibaan oo lagu soo doortay ay kaliya ku soo baxeen 7 haween ah.
Arrintan ayaa dhibaato ku keentay maamulka Puntland iyo Guddiyada Doorashooyinka oo Puntland ku sifeeyay maamul hortaagan qoondada haweenka ee la doonayay in 30% meel loo dhigo.
Odayaasha beelaha Puntland ayaa noqday kuwa ugu adag ee ka hor yimid fursad la siiyo haweenka u tartamaya Aqalka hoose, waxayna qaarkood diideen inay wax haween ah soo sharxaan.
Qoondada ay haweenka ka heleen xildhibaanada lagu doontay Puntland waxay hadda noqotay 18.9% ama ku dhowaad 19%. Maamulka Jubbaland ayaa isna qoondada haweenka ka gaaray heerka labaad ee ugu xun oo ah 22%.
Wadani.com