Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku boggaadisay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka iyo doorkiisa hoggaamineed ee Dalka, gaar ahaan waajibaadka amniga Qaranka, hirgelinta doorashada iyo hogaaminta Golaha Wadatashiga Qaranka.
“Puntland waxay kaloo boggaadinaysaa, soona dhaweynaysaa dadaalka Ra’iisul Wasaarahu ugu jiro sidii looga gun gaari lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyska Ikraan iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedba ay helaan xaqooda Dastuuriga ah” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo aan lagu soo hadal qaadin Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sidoo kale Puntland waxay soo dhaweysay go’aanka Ra’iisul Wasaaraha uu shaqada uga joojiyey Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya, tillaabadaas oo ay ku tilmaantay mid waafaqsan Dastuurka Dalka.
“Puntland waxay ugu baaqaysaa dhammaan inta ay quseyso in la illaaliyo xasiloonida, midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya, lana dhawro ku dhaqanka Dastuurka ku meel gaarka ah” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Madaxtooyada Puntland.
Waa maamul Goboleedkii labaad e taageera Raiisal wasaare Rooble khilaafka awoodeed ee kala dhaxeeya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kadib Jubbaland oo hore u garab istaagay Ra’iisal wasaaraha.
