Maamulk Puntland ayaa ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay degaanka Teerage ee Galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxayna ku eedeysan koox shufto ah oo aano u socootay.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in maleeshiyo is abaabushay ay weerar ku qaaday xalay xarun ay ciidamada Daraawiishta ku leeyihiin degaankaasi, wuxuuna intaas ku daray in Galmudug aysan shaqo ku lahayn dagaalkaasi.
Wuxuu intaas ku datay in ujeedka dagaalka uu ahaa in nabadda lagu carqaladeeyo, iyadoo askari uga dhintay ciidamada Puntland, dhinacii weerarka qaadayna qof uga dhintay iyo qaar kale oo uga dhaawacmay ay jiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa sheegay inay maleeshiyada weerarka qaaday u socdeen aarsiga nin hore u dhintay oo waanwaan laga galay arrintiisa, iyaguna aysan u heyn dagaal ay abaabushay Galmudug.