Ciidamada Itoobiya ayaa la wareegay degaano ka tirsan dhulka Soomaalida oo ka tirsanaa Gobolka Mudug ee qeybta Puntland raacsan.
Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Tumeey ayaa warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in Ciidamada Itoobiya ay la Wareegeen Degaanno ka tirsan Gobolka Mudug.
Duqa Gaalkacyo ayaa intaas ku daray in Ciidamada Itoobiya ay horay ula Wareegeen Degaanka lagu Magacaabo Dogob oo Magaalada Gaalkacyo dhanka Galbeed ka Xiga Qiyaastii 15 KM isla markaana dhowe maalmood ka hor ay hadaana la wareegeen Tuulada Beer-dhagaxtuur oo ku taalla xadka Gobolka Mudug uu la wadaago Itoobiya.
Wuxuu intaasi ku daray in Puntland ay dooneysay inay ka dhagax-dhigto Ceel, balse ay ka horjoogsadeen ciidamada Itoobiya, una sheegeen inuu yahay Dhul Itoobiya. Wuxuu sheega inay laba gaari wateen dhinacooda, halka dhinaca Itoobiya ay 18 gaari oo ciidamo ah goobta ku sugnaayeen.
Qeylo dhaanta maamulka Gobolka Mudug ee Puntland soo saaray ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaaweynaha Puntland oo uu dhowaan socdaal ku tegay Itoobiya, isagoo ah mas’uulka ugu dhow dowladda Itoobiya xilligan.