Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay War ku sabasan in dalka Imaaraadka Carabta uu dadka Soomaaliyeed u fududeeyay: Arrimaha socdaalka, Dal-ku-galka iyo deganaanshaha dalkaasi .
War-murtiyeedka ka soo baxay Madaxtoyada Puntland ayaa lagu sheegay, in arrintaan ay sii xoojinayso xiriirka umadda Soomaaliyeed iyo waddanka Imaaraadka Carabta, islamarkaana kor u qaadeyso ganacsiga iyo walaalnimada ka dhexaysa labada dal.
Imaaraadka ayaa u muuqada inuu arrimaha Soomaaliya kala hadlayo maamul Goboleedyo, iyadoo Puntland ka sokow ay Somaliland hore u sheegtay in Imaaraadku maamulkooda u ogolaaday in Baasaboorkooda uu saaro fiisaha.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEED