Guddiga Doorashada Puntland ayaa si degega u shaaciyey Doorashada kuraasta taalla magaalada Boosaaso si degdega loo qabanayo maalmaha Sabtida iyo Axadda.
Doorashada 16-ka kursi ayaa bilaabanaya Berri oo Sabti ah 5-ta Maarso 2022, waxaana lasoo gabagabeynayaa Axadda 6-da Maarso, iyadoo Guddiga SEIT Puntland uu soo saaray liiska Musharixiin gaaraya 32 oo buuxiyey shuruudihii musharax xildhibaan.
Kursi kasta waxaa ku tartamaya laba musharax, waxaana liiska ka muuqda in musharaxa koowaad uu yahay midka uu soo xushay Madaxweynaha Puntland ee kusoo bixi doona kuraastaasi, inkastoo aanu Guddiga soo bandhigin musharixiinta oo shahaado la guddoonsiinayo.
Waxaa tartanka laga reebay siyaasiyiin badan oo ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana ugu horeeya wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed oo hadda kursigiisa uu kusoo bixi doono nin lagu magacaabo Cali Mahdi Maxamed Cali.
Doorashada Boosaaso oo ah degaan Doorashada labaad ee Puntland ayaa muddo dheer u xayirneyd khilaafka ka dhashay dagaalkii Boosaaso ee dhex maray maamulka Siciid Deni iyo Maxamuud Diyaano oo hoggaamiya ciidamada PSF, kaasoo xalay la xaiiyey markii uu Deni dib u magacaabay Jeneraal Diyaano.
Siciid Deni oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saartay xildhibaano badan oo ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka, wuxuuna sidoo kale gacan ka helayaa madaxweynaha Jubbaland.
HOOS KA AKHRISO LIISKA MUSHARIXIINTA KURAASTA BOOSAASO

