War ka soo baxay ciidamadaa amniga Puntland eeĀ PSF ayaa lagu shaaciyey in dagaal jawaab celin ahaa oo ay maanta oo Sabti ah ku qaadeen togga Maraje ee dhaca Buuraha Calmadow ay ku dileen 41 maleeshiyo oo ka tirsan Alshabaab.
Goobta weerarku ka dhacay ayaa la sheegay inay maanta gaareen kooxdii AlShabaab e xalay dagaalka gaadmada ah ku so qaadey saldhig ay ciidanka PMPF ee Puntland ku lahaayeen togga Balli-khadar oo qasaare abdan geystay.
Hawlgalkan ayaa ciidanka PSF ee Puntland sheegeen inay uga dabatageen dagaalyahanadii Alshabaab ee ku sugnaa Togga Maraje; waxaana howlgalkani ay Puntland sheegatayinay ku dileen 41 ka mida Al Shabaabkii, laguna dhaawacay 32 oo kale.
Ma jirto cid xaqiijisay warka kasoo yeeray Puntland iyo faahfaahin kale oo ku saabsan dagaalka rogaalceliska ah ee Puntland sheegtay inay qaaday.