Dowladda Goboleedka Puntland ayaa sharci darro ku tilmaantay Mooshinka ka Dhanka ah Baarlamaanka KMG ah ee Maaulka Jubba, kadib war laga soo saaray madaxtooyada maamulkaasi ee Garowe oo lagu sheegay inay qiimaysay mooshinkan.
Puntland ayaa sheegtay markii ay aragtay qodobada lagu dhisay keenista mooshinkaas ka dhanka ah Barlamaanka Jubba ay  u caddaatay inuusan mooshinkaasi  sharci aheyn, isla markaana khilaafsan yahay Dastuurka ku meelgaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo u ogolaanaya dowladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya inay maamulaan arrimahooda daakhiliga ah dhistaana hay’adaha Xeer-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.
Puntland oo xulafo la ah Maamulka Jubba waxay warkani soo saartay xilli danbe oo mooshinkaasi gabagabo ku dhow yahay, iyadoo dastuurka KMG ah ee Soomaaliya cuskaneysa, kaasoo ay  marar badan ka hor timaado, si cadna uga horjeedo qodobo ka mida, laakiin waxaa cad in maamulka Jubba aanu weli noqon maamul buuxa oo kamida federaalka, howshiisuna weli ku socoto qaab kumeelgaar ah, taasoo meesha ka saareysa qodobada ay cuskatay Puntland.
Goobjoooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]