Wasiirada Maaliyadda iyo Dekadaha Maamulka Puntland ayaa qoraal ay u qoreen shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee P&O oo la wareegtay maamulka dekadda Boosaaso ka codsaday inay qaadato heshiiska ay ganacsatada iyo maamulka Puntland gaareen.
Heshiiska oo dib loogu furayo shaqadii 9-ka maalmood hakaday ee dekadda kadib markii ganacsatada ka hor yimaadeen khidmooyin cusub oo shirkadda ay soo rogtay ayaa dhigaya:
In Dekadda Boosaaso ku shaqayso nidaamkii hore.
In khidmaha laga qaadayo Gaadiidka ay noqdaan sidii hore
In shir saddex geesood ah ay wada yeeshaan wasaaradda, Ganacsatada iyo shirkadda P&O port ee lagu wareejiyay Dekadda.
Qoraalka labada wasiir u direen maamulka shirkadda ayaa waxaa ka muuqata in maamulka Puntland ay taladii farihiisa ka baxday, iyadoo heshiisyo ay hore u galeen ay ku qasbanaadeen inay ka daba tagaan si xal loogu helo kacdoonka dadweynaha reer Boosaaso muddo kooban.
Qoraalka labada wasiir ayaa tilmaamaya in heshiiska uu yahay KMG, isla markaana ay lacag kab ah bixin doono Puntland, waxaana arrintan ceeb iyo fadeexad ku tilmaamay qaarka mida siyaasiyiinta Puntland oo uu ka mid yahay Cali Xaaji Warsame oo hore wasiir uga soo noqday maamulkaasi una tartamay xilka madaxweynaha.
“Waa ceeb in la galo heshiis aan faahfaahinta la aqoon, ummadda laga gado BEEN qaawan oo aan laga talo-gelin intii ay khuseysay eg Ganacsato..” ayuu yiri Siyaasi Xaaji Warsame oo farriin soo dhigay bartiisa twitter-ka
AKHRISO QORAALKA