Dowlad Goboleedyada Puntland ayaa soo bandhigtay xubno ay ku jiraan ajaanib oo isu soo dhiibay, kuwaasoo ka tirsanaa ururka Khilaafada Islaamiga ee Daacish qeybtiisa Somaaliya ee Gobolka Bari.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari ee Puntland Col. Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan xubno ka tirsan ururada Daacish iyo Al-Shabaab oo isku soo dhiibeen ciidamada Puntland.
Wuxuu sheegay in tirada xubnaha isa soo dhiibay ay gaarayaan 12 oo 3 ay Daacish yihiin, 9-ka kalena ay yihiin Alshabaab. 2 ka mdia ayaa u dhashay Suudaan, halka afar kalena ay Itoobiyaan yihiin, iyadoo 6 kale ay Soomaali tahay.
Xubnaha Puntland soo bandhigtay ayaa ka kooban saddex nin oo ka soo goosteen Daacish, waxaana mid ka mida uu sheegay inuu u dhashay Dalka Suudaan, isagoo magaciisa ku sheegay Muhanad Cabdullaahi Cabdiraxiim.
Wuxuu intaas ku datay in maamulka degmada Balli-dhidhin ay si wanaagsan usoo dhaweeyeen, isla markaana ay siiyeen raashin iyo dharkii ciidda. Labada xubnood ee kale ayaa ahaa Soomaali lagu kala magacaabo Cali Yuusuf Cali iyo Maxamuud Macallin Maxamed.