Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa go’aan kasoo saaray xiisad ka jirta dalalka Khaliijka kadib muddo ka badan laba bilood oo xiisadaasi ay soo jirtay.
Puntland ayaa taageertay isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaana warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland oo lagu qoray English oo kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland lagu caddeeyay mowqifka Puntland.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in Puntland xiriir soo jireen oo ku saleysan amniga iyo ganacsiga uu kala dhexeeyo Imaaraadka iyo Sacuudiga, sidaasi darteedna ay garab taagan yihiin saaxiibadood Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Qoraalka kasoo baxay Puntland ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay dib u eegto go’aanka ay ka istaagtay arrintan, oo haddii aan laga fiirsan saameyn xun ku yeelan kara dadka Soomaaliyeed, sida lagu yiri qoraalka.
Waa Maamulkii labaad ee taageera isbaheysiga Sacuudiga kadib Somaliland oo bilowgii xiisadan la safatay Sacuudiga iyo Imaaraadka.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA