Puntland ayaa ka jawaabtay eedeyntii ka timid Madaxweynaha xilligisu dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo kuna saabsaneyd inay ka danbeeyeen fashilkii shirka Dhuusmaareeb 4 ee xal u helidda Doorashada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde) ayaa sheegay in shirku u burburay markii Madaxweyne Farmaajo laga furfuri waayey xal kasta oo Gobolka Gedo ku saabsan.
Wuxuu Wasiiru sheegay in la soo jeediyay tallooyin kala ay ka mid yihiin:
1- In Guddi xal raadin ah loo diro Gobolka Gedo oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Gudaha Afarta maamul Goboleed ee kale.
2- In Guddoomiyaha Garbahaarey uu magacawdo Jubbaland, Gobolkana uu sidiisa loo daayo oo dowladda uu hoos tago.
3- In Guddoomiyaha Garbahaarey ay magacaabaan odayaasha degaanka
4- In Odayaal Beelaha Daarood ka socda loo diro Gedo oo ay arrinta galaan
Dhammaan tallooyinkan arrintan Gedo xal loogu raadinayey Arrinta Gedo ayuu sheegay inuu diiday Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aan la ogeyn cidda gadaal ka riixeysay, markii danbena uu qarsoodi uga tegay shirka, isagoo aan xitaa soo macsalaameyn madaxweynaha uu martida u ahaa ee Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xersi ayaa sheegay inay xaal ka bixinayaan gefkii Madaxweynaha waqtigiisu dhammaanayo u geystay madaxda maaml Goboleedyada kale ee uu ku sheegay inuu heshiiskii Doorashada 17-ka Septembar qortay Siciid Deni.
