Maamulka cusub ee Puntlnd ayaa wafdi u diraya caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Puntalnd Siciid C/llaahi Deni uu ka baaqsaday caleemo saarka ka dhacaya magaalada Baydhaba, balse ay ka qeybgeli doonaan madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiim Maxamed Axmed (Dhoobo-Daareed).
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in wafdigan ay goor dhoweyd gaareen magaalada Baydhaba, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen xubno uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna.