Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 29
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Qaab dhismeedka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada 2020/21 (Akhriso Sida xubnaha loo qeybsaday)

    Qaab dhismeedka Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Doorashada 2020/21 (Akhriso Sida xubnaha loo qeybsaday)

    October 2, 2020Updated:October 2, 20204 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay heshiis laga gaaray dhismaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka, waxayna faafisay Habraaca Hirgalinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada 2020/2021 ee heer Federaal.

    Xubnaha Guddiga ayaa dowladda Federaalkaayaa ka kooban 21 xubnood, iyadoo dowlada Federaalka ay magacaabeyso 11 xubnood, halka 12-ka kale ay min 2 xubnood usoo magacaabayaan maamul Goboleedyada iyo GB.

    HOOS KA AKHRISO HAB-RAACA

    Hannaanka Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada 2020/2021
    Mabaadi’da Guud ee Hannanka Xallinta Khilaafka ee Doorashada 2020/21

    1. Golaha Wadatashiga Qaranka waxay go’aamiyeen in Doorashada 2020/21 loo sameeyo hannaan madax-bannaan oo lagu xalliyo khilaafaadka ka dhasha doorashada, kaas oo ku saleysan dhaqanka Soomaaliyeed iyo mabaadii’da caalamiga ee Xuquuqda Aadamiga.

    2. Golaha Wadatashiga Qaranka iyagoo ka duulaya Mabaadi’da caalamiga, ilaalinta sharafta hannaanka doorashada, dhowrista xuquuqda codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta, waxaay lagama maarmaan u arkeen in la sameeyo habraac cabasho oo waxtar leh lana fulin karo, kaasoo lagu xukmin ama go’aamin karo cabashada codbixiyeyaasha iyo musharaxiinta si sharci iyo sinnaan leh.

    Qaab-dhismeedka Guddiga
    1. Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa la dhisayaa ka hor magacaabidda/diiwaangelinta murashaxiinta iyo hawsha soo xulidda ergooyinka, waana inay socotaa ilaa laga xaqiijiyo natiijada kama dambeysta ah ka dib marka la eego dhammaan cabashooyinka iyo diidmada doorashada.
    2. Guddigu wuxuu ka koobnaan doonaa labaatan iyo kow xubnood (21), kuwaas oo 9 xubnood ay soo magacaabayso Dowladda Federaalka ah, halka 12 xubnood oo kale ay soo kala magacaabayaan Dowladaha Xubnaha ka ah DF min labo (2) xubnood.
    3. Waxaa la ilaalinayaa Metelaadda haweenka ee guddiga xallinta khilaafaadka iyagoo (30%) xubnaha guddiga ay noqonayaan dumar.
    1. Guddiga xaruntiisu waxay noqoneysaa magalada Muqdisho, wuxuuna xafiisyo ku yeelanayaa xarumaha ay doorashadu ka dhacayso, iyadoo tixgalin gaar ah loo sameynayo Somaliland.
    2. Guddigu waxaa uu kulan kooda ugu horeeya iska dhex dooranayaan Guddoomiye iyo Guddomiye ku xigeen. Doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka waxaa la dooranayaa cod hal dheeri ah (50%+1).
    3. Guddoomiyaha Guddiga ayaa saddex (3) xubnood u magacaabaya in ay ka hawl-galaan mid kasta oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah DF, waxayna go’aanadooda ku gaarayaan cod hal dheeri ah.

    Hannaanka Xalinta Khilaafaadka doorashada ee 2020/2021:
    1. Waxaa dacwad u gudbin kara guddiga xallinta khilaafaadka ergooyinka codbixiyayaasha ah iyo musharixiinta oo ay si toos ah u saameyo xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.
    2. Guddigu waxa uu ku dhameystirayaan go’aaminta cabashooyinka muddo todoba (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa maalinta cabashada loo soo gudbiyey si dhameystiran.
    3. Guddigu waa inuu go’aannada cabashada ugu gudbiyaa dacwoodaha 24 saacadood gudahood marka go’aanka la qaato.
    4. Kulamada guddiga ee lagu eegayo ama dhagaysanayo go’aanada guddiga, waa inay guud ahaan ahaadaan kuwo dadweynaha u furan (sida goobjoogeyaasha gudaha ee la ogolaaday, wakiillada musharaxiinta, wakiillada warbaahinta) haddii aysan jirin sabab amni.
    5. Arrimaha ama diidmada u baahan xal siyaasadeed waxaa go’aan ka gaaraya Golaha Wadatashiga Qaranka si isla ogol ah.
    6. Qofkasta oo cabasho u gudbiya Guddiga waa in uu bixiyaa lacagta diiwangalin cabashada oo dhan $3,000 oo dollar (sadex kun oo dollar), waraaqda cadaynaysa in uu ku shubay xisaabta bangiga ee Guddiga dooroshooyinka heer Federal waana in uu kusoo lifaaqaa galka cabashadiisa.

    Xilalka & Waajibaadka:
    Guddiga xallinta khilaafaadka wuxuu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo arrimaha soo socda:
    1. Guddigu wuxuu ka mas’uul yahay u garnaqidda iyo xallinta cabashooyinka laga keenay go’aanada iyo tallaabooyinka ay qaadeen labada heer ee Guddiyada ;
    2. Guddigu wuxuu xaq u yeelan doonaa inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada sida (cagajugleynta, cod iibsiga, joojinta hawsha, saameyn xun oo lagu sameeyo isugeynta ama ku dhawaaqidda natiijada);
    3. Guddigu waxa uu go’aannada ku qaadan doonaa aqlabiyad (50%+1) haddii ay xubnaha guddigu isku raaci waayaan go’aan wadar ogol ah, ka dib marka waqti ku filan la siiyo doodda iyadoo la raadinayo go’aan wadar ogol ah;
    4. Muranka lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada labada heer ee ku aaddan kala shaandheynta ergooyinka doorashada iyo/ama murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka;
    5. Go’aanada Guddiga Xalinta Khilaafaadka waxaa dib u fiirin kara Madaxda Dowlada Federalka ah iyo madaxda Dowlaha Xubnaha ka ah, Go’aankaas ay Madaxdu gaarto ayaa noqonaya go’aanka kama denbeysta ah, dibna dacwadaas uma gali karaan Guddi ama hay’ad kale oo sharci ah.

    DHAMMAAD

    Doorashada 2020/2021 Guddiga Doorashada Gudiga xalinta khilaafaadka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAKHRISO: Jadwalka rasmiga ah ee Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Somaliya
    Next Article Shaxda Asteynta Kuraasta Golaha Shacabka ee Doorashada 2020/21 (Kuraasta Beel kasta & magaalada la geeyay)

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo