Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mida ganacstada ay joojiyeen Qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya.
Ganacsatada oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay garab istaagayaan dowladooda khilaafka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dowladda Kenya, ayna joojiyaan Qaadka ay kasoo dhoofsan jireen dalkaasi.
Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee Khaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen Jaadka, islamarkaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya.
“Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga imaan jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeeda, badeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo Siyaasad ah waxaan u dhaafnay Dowladda Somaliya, qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo Suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadleyda Soomaaliyed.
Wuxuu sheegeen inay ka maarmi karaan Ganacsiga Qaadka Miirowga ee laga keeno dalka Kenya, isla markaana ay heli karaan Qaad ka wanaagsan oo ka yimaada dalalka deriska sida Itoobiya.
Shalay ayey ahayd markii Ganacsatada Qaadka dhoofisa ee dalka Kenya ay ku hanjabeen inay joojin doonaan Qaadka ay u soo iib geeyaan Soomaaliya oo aysan Qaranimadooda dhaafsaneynin ganacsi.