Qaar ka mida odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay inay qaadaceen shirka Jowhar ee maamul u sameynta gobolada Hiiraan isla markaana ay diideen inay raacaan diyaarad loo diray inay u raacaan magaalada Jowhar kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Beledweyne.
Mid ka mida odayaasha Beesha ayaa sheegay inay ka war heleen, diyaarad taagan oo la leeyahay soo raaca, balse ay diideen “Dadkaanu maaha dad diyaarad qaadi karto, mana aha dad qarsoomaya, shirkaas ma qaadacsaneyn, waase nala qaadacsiiyay” ayuu yiri isagoo intaas ku daray in Xasan Sheekh uga baxay balantii, iyagiina ay balanta ka baxeen.
“Xasan Sheekh isagoo Hiiraan ku dhashay oo halkan yimid ayuu nagu balan furay, haddaan beesha xawaadle nahay Jowhar uma socono..” ayuu yiri Oday dhaqameed kale oo intaas ku daray: “Abgaal diid ma nihin, Jowhar diid ma nihin, cidii na diiday ayaan diidnay hadaan Xawaadle nahay…”.
Qaar ka mida odayaasha Beeshan ee qaadacay shirka ayaa la sheegay inay yihiin odayaasha markii horeba ka horjeeday magaalada Jowhar, waxaana Jowhar ku sugan odayaal kale oo beeshan ka soo jeeda oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka Hiiraan oo tiradooda lagu sheegay 100 xubnood ay laba diyaaradood ka soo qaadeen magaalada Beledweyne ayaa gaaray magaalada Jowhar oo ka qeybgalaya shirka.
Wadani.com