Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Qaar ka mida Soomaalidii ay Oromadu ku leysay Hawaday oo aas wadareed loogu sameeyay JigJiga [Sawirro]

    Qaar ka mida Soomaalidii ay Oromadu ku leysay Hawaday oo aas wadareed loogu sameeyay JigJiga [Sawirro]

    September 15, 20173 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wararka ka imanaya magaalada Jig Jiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in halkaas aas wadareed loogu sameeyay illaa 28 qof oo la sheegay in lagu laayay deegaanka Hawaday ee u dhow magaalada Harar.

    Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay madaxweynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo hadal uu halkaas ka jeediyay dilka ku eedeeyey ismaamulka Oromiya ee dariska la ah, balse waxa uu sheegay in dadka shacabka ah ee Oromada aysan wax eed ah lahayn, qaarkoodna ay badbaadiyeen dad Soomaali ah oo la baacsanayay.

    Sida uu  xaqiijiyay la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha saxaafadda Maxamed Bille Xasan, waxaa jira labo xabaalood oo kale oo qodan oo lala sugayo meydad lasoo wado. Aaska ayaa waxaa ka qeybgalay dadweyne aad u faro badan iyo mas’uuliyiin dowladeed.

    Maamulka ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroordiiq ah oo loo murugoonayo dadka la laalayay.

    Dadka lafahooda lasoo baxsaday waxaa ka mid ah Axmed Maxamuud Ciise oo hadda ku sugan magaalada Jig Jiga  wuxuuna yiri “Anaga oo aanan waxbo iska jireynin ayaa waxaa nasoo weeraray ciidamada booliiska Oromada iyo dhalinyaro faashash ku hubeysan, inankii oo markaas suuliga aaday ayay ku dageen, inagiina markaan aragnay waxa dhacaya aqalka xagga dambe ayaan ka baxnay, waxaana nasoo badbaadiyay ciidammada militariga”.

    Ninkan oo sheegay in walaalkiis la dilay, ayaa sidoo kale qiray in isaga indhihiisa uu ku arkay maydadka illaa 50 qof oo Soomaali ah. Waxa uu intaas ku daray in magaalada Hawaday ee dhibku ka dhacay uu arrimo ganacsi u joogay muddo 20 sanno ah, islamarkaasina uusan dib ugu laaban doonin ebed.

    Dhanka kale afhayeen u hadlay ismaamulka Oromiya oo lagu magacaabo Adisu Arega ayaa BBC-da u sheegay in dadka dhintay ay dhanyihiin 18 qof, kuwaas oo uu sheegay in 12 oo kaliya ay Soomaali yihiin, halka 6-da kale ay Oromo yihiin.

    Wuxuu sheegay in rabshadaha ay biloowdeen kadib markii ciidamada Liyuuga ee Ismaamulka Soomaalida ay afduubteen saraakiil ka tirsan maamulka Oromiya oo markii dambe la dilay. Eedeytaasi waxaa diiday dowlad deegaanka Soomaalida.

    Afhayeenka ayaa intaas ku daray in xitaa ciidamada militariga Soomaaliya ay ku lug leeyihiin dilalka ka dhacaya ismaamulka Oromada, sida uu hadalka u dhigay. Lama oga sida ay sheegashadaasi suurtogal ku noqon karto.

    Dowladda dhexe federaalka Itoobiya ayaanan wali wax hadal ah kasoo saarin dhacdooyinkan. Magaalada Harar waxaa la’isugu geeyay dad badan oo Oromo ah oo laga soo daadgureeyay deegaanka Soomaalida cabsi laga qabo in xiisadda ay saamayso.

    Rabshadaha dhacay waxa ay xitaa saamayn ku yeesheen dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyada oo qaadkii laga qaadi jiray deegaanada Oromada ee tagi jiray illaa Soomaaliya ay gabi ahaanba joogsadeen.

    Itoobiya Jigjiga Oromada Soomaalida Itoobiya
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Kenya oo Gaari guddoonsiiyay Ardaygii sida yaabka lahayd loogu doortay Xildhibaan [Sawirro]
    Next Article Maxaad ka taqaan Jeneraalka Qarsoon ee ka dambeeya Xasuuqa & Isir-sifeynta Muslimiinta Rohingya..?

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo