Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qaar ka mida wadooyinka muhiimka ah ee magaalada la xiray, iyadoo ciidamo fara badan ay ku sugan yihiin.
Waxaa xiran Jidka dheer ee Maka Almukarama laga soo bilaabo Isgoyska Banaadir ilaa Daljirka Dahsoon, iyadoo loo diiday gaadiidka iyo isu socodka, waxaana la arkayaa dadweynaha oo socod ku maraya.
Wararka laga helayo saraakiisha dowladda ayaa sheegaya in wadooyinka loo xiray wafdi miateri oo maanta Muqdisho yimid, kuwaasoo ka socda dowladda Turkiga, waxayna wafdigan hordhac u yihiin madax ka socota dowladda Turkiga oo Muqdisho ku soo wajahan.
Taliyaha Ciidamada Turkiga Gen. Khlous Akar ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho, iyadoo uu soo dhoweeyay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaiya Gen. Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) iyo Mas’uuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.
Wafdiga iyo madaxda Turkiga ee Muqdisho imaanaya ayaa la sheegay inay si rasmi ah u furi doonaan saldhigga tababarka milateri ee Turkigu ka dhisay magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay wadadda isku xirta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Madaxtooyada.