Qaar ka mida Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan ee Beesha Xawaadle ayaa ka hor yimid xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, iyagoo la saftay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.
Xildhibaannadan ayaa ku eedeeyay maamulka Hirshabeelle maamul fashil ah oo aan wax horumar ah sameyn, isla markaana ay Hiiraan ka baxday Hirshabeelle, Xil ka qaadista Cali Jeyte ay tahay mid loogu adeegayo Alshabaab.
Xildhibaadan ayaa caddeeyay inay Cali Jeyte ku taageersan yihiin go’aanka uu ku dhawaaqay ee ah in Hiiraan ay nqooton doono maamul gaara oo ka madax banaaan Hirshabeelle, iyagoo weerar ku qaaday madaxweynaha Hirshabeelle.
Xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa dib u soo kicisay khilaafkii maamul ee ka jiray Gobolka Hiiraan, waana xaalad kale oo kusoo korortay dhibtooyinka ay wajaheyso dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.