Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Qaar kamida xildhibaanada keenay Mooshinka madaxweynaha oo war soo saaray

    Qaar kamida xildhibaanada keenay Mooshinka madaxweynaha oo war soo saaray

    September 13, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xildhibaanada saxiixay Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay soo dhoweynayaan wahadalka uu ku baaqay guddoomiyaha Baarlamaanka, waxayna mowqifkooda ku sheegeen 14 qodob oo dhammaantood soo dhoweyn ah.

    xildhiban-moshin

    Wwararka ayaa sheegaya in xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ay ku kala qeybsan yihiin arrintan, isla markaana qoladan ay tahay kuwii mar hore shaaciyay inay tanaasuleen.

    [spacer color=”0E20C2″ icon=”Select a Icon” style=”2″]

    SAXIIXAYAASHA MOOSHINKA XILKA QAADISTA MADAXWEYNAHA JFS

    WAR SAXAAFADEED

    Muqdisho, Somaliya

    September 13 2015

    1. Xubno ka mid ah Golaha Shacabka ayaa Mooshin Xilka Qaadis oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, u gudbiyey Guddoonka Golaha Shacabka bishii Ogosto 12, 2015.

    2. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Cusman Jawari, ayaa shalay 12 Sebtembar 2015, soo saaray War Saxaafadeed uu ku sharxayo sida loo maareynayo Mooshinka Xilka Qaadista ee Madaxweynaha.

    3. Waxaan soo dhoweyneynaa baaqa Guddoomiyaha in ay labada dhinac wada hadal dhab ah ka galaan eedeymaha culus ee Mooshinka ku xusan, waxaana diyaar u nahay in aan si niyad sami ah u galeyno wada hadalka.

    4. Waxaan magacaabi doonaa guddi nooga qeybgalo wada hadalka sida uu Guddoomiyaha soo jeediyey.

    5. Waxaan soo dhoweyneynaa in hoggaanka Golaha Shacabka (Guddoomiyaha iyo labadiisa ku-xigeen) ay noqdaan dhexdhexaadiyayaal inta uu wada hadalka socdo.

    6. Waxaan ku qanacsanahay shuruudaha wada hadalka ee ku xusan War Saxaafadeedka Guddoomiyaha, gaar ahaan, in labada dhinac aysan wax xanaf leh oo ku saabsan arrimaha Mooshinka Xilka Qaadista warbaahinta kala hadal ama aysan sameeyaan oraahyo keeni kara xasaasiyad.

    7. Waxaa kaloo oggolanahay shuruudaha ku xusan War Saxaafadeedka Guddoomiyaha ee uu ku caddeyey in haddii uu wada hadalka fashilmo eedeymaha Mooshinka Xilka Qaadista loo gudbiyo maxkamadda ay khuseyso dhageysiga iyo go’aan ka gaarista eedeymaha mooshinka Madaxeynaha JFS.

    8. Waxaan u bogaadineynaa Madaxweynaha JFS oggolaansha uu oggolaaday in uu si niyad sami ah u galayo wada hadalka.

    9. Waxaan rumeysanahay in aanay munaasab ahayn in Ra’iisul Wasaaraha wada hadalka ku matalo Madaxweynaha, maadaama aynu mooshinka ahayn mid codka kalsoonida ah lagu helayo, balse uu yahay eedeymo fal dambiyeed culus oo ka dhan ah Madaxweynaha JFS.

    10. Waxaan rumeysanahay in wada hadal lala galo Ra’iisul Wasaaraha ay abuureyso faham qaldan oo ah in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka iyo Golaha Fulinta, kaasina meesha ma yaallo.

    11. Waxaan rumeysanahay in Golaha Shacabka iyo Golaha Wasiiradu ay horyaalaan ajeendayaal iyo qorshe hawleedyo waqtiyeysan oo muhiim ah, una baahanyihiin in ay hawlahooda ku mashquulaan oo aanay ku mashquulin wada hadal siyaasadeed.

    12. Waxaa kaloon xubnaha kale ee Golaha Shacabka uga mahadcelineynaa taageeradooda in hawalaha Golaha lagu saleeyo Dastuurka iyo Xeer Hoosaadka Golaha.

    13. Waxaan u mahadcelinaynaa shacabka Soomaaliyeed taageeradooda iyo dulqaadkooda waqtiga culus inta uu socdo.

    14. Gunaanad, waxaan u mahadcelineynaa saaxiibadeena beesha caalamka talooyinka iyo taageerada ay bixiyeen dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

    Wa Billaahi Towfiiq,

    Wadani.com

    [ad name=”HTML-7″]

    Mooshinka madaxweynaha
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKalfadhiga Baarlamaanka oo la xirayo bartama bishan & Mooshinkii Madaxweynaha oo…
    Next Article Alshabab oo dhowr qof ku gowracay degaanka Fiidow, Gobolka Sh/Dhexe

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo