Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada Bannaanbaxyo looga horjeedo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo qaabka uu wado Doorashada dalka.
Wararka ayaa sheegaya in bannaanbaxa ay wadaan taageerayaasha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha, waxaan la qorsheeyay inay isu soo baxyada ka dhacaan qeybo ka mida degmooyinka Gobolka Baanadir ee caasimadda.
Waa tallaabadii ugu horeysay ee muranka ka ka taagnaa Doorashada dalka uu ku gelayo weji cusub oo cadaadis lagu saarayo Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka tanaasulo Doorashada uu qasabka ku wado ee la isku khilaafsan yahay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidamada dowladda loo diyaariyey inay ka hortagaan bannaabaxyada ay qabanqaabinayaan Musharixiinta mucaaradka.
