Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu socdo qabanqaabadii ugu danbeysay ee kulan la ay isku soo hor fariisanayaan madaxweynaha xilka haya Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan oo lagu wado inuu Madaxtooyada ka dhaco maanta gelinka danbe ayuu kasoo shaqeeyay agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo sheegay inuu madaxweyne Farmaajo u xil saaray arrintan ayaa loo saaray Guddi labada dhinac ah oo kasoo shaqeeeyay qaabka shirku u dhacayo, ajendooyinka looga hadlayo iyo qaabka shirka loo gelayo.
Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ku adkeystay inay kaliya la kulmayaan Madaxweyne Farmaajo iyagoo ah Madasha Xisbiyada Qaran, taasoo dhinaca madaxtooyada ay aqbaleen.
Qodobadda looha hadlayo kulankan ayaa waxaa ka mida xaaladda siyaasadeed ee dalka, khaladaad ay sheeganayaan madaxweynayaashii hore oo dowladdu kula kacday iyo mugdiga ku jira Doorashada 2020-ka ee dalka.