Guddiga qabanqaabinaya bannaanbaxa la shaaciyey inuu Khamiista ka dhici doono magaalada Muqdisho ee looga horjeedo madaxweynaha xilligiisu dhammaaday , laguna taageerayo Ra’iisal wasaaraha.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho xubnaha la baxay GolahaBulshada G/Banaadir ee qabanqaabinaya Bannaanbaxa ayaa farriin kulul u diray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta sheegay inay mamnuuc tahay isu soo bax aan fasax looga heysan maamulkiisa, laguna khalkhal gelinayo Amniga.
Guddiga qabanqaabadda bannaanbaxa oo ay horkacayaan xubnaha xisbiyada siyaasadda ee ay hoggaamiyaan madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa ku adkeysan inuu dhacayo bannaabaxa, isla markaana uu yahay xaq dastuuri ah oo aan fasax uga baahneyn maamulka Gobolka banaadir.
Guddiga ayaa sheegay inay ruqsad ka heystaan bannaanbax Wasaaradda Amniga xukuumadda Federeaalka, iyagoo ugu baaqay dadweynaha inay isu soo baxaan Khamiista.

