Qalabkii Idaacadda Alshabaab ee Andalus oo saldhigeedu ahaa degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/hoose ayaa la keenay Muqdisho kadib markii ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadeen toddobaadkii hore.
Idaacaddan oo ahayd tan gobolka Sh/hoose ku wajahan oo ay u adeegsadaan Alshabaab inay wararkooda ku faafiyeen ayaa ka mid ahayd bartilmaameedka weerarkii ciidamada qalabka sida ku qaadeen degaano dhowr ah oo ka mida gobolka SH/hoose.
Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa bogaadiyey inay ciidamada dowladda la soo wareegeen Qalabkii Idaacadii Al-shabaab ee Al-Andulus, wuxuuna xaqiijiiyey in Qalabka Idaacaddii Andalus la soo gaarsiyay magaalada Muqdisho, iyadoo ay gacanta ku hayaana Hay’adaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya.
Ciidamada dowladda ayaa dib uga soo baxay degaanada Mubaarak, Awdheegle, Sablaale, Kunturwaarey iyo Tuulooyin kale markii ay ka qabsadeen Alshabaab, taasoo dadka degaankaasi ay si weyn u dhaliileen.