Wararka laga helayo Guddoonka Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegaya inay maanta ka cabsi qabaan inuu qalalaase ka dhaco kulanka saddexaad ee looga hadlayo metelaadda G/Banaadir ee Aqalka Sare.
Xildhibaannada geeyay Mooshinka G/Banaadir ee gaaray 130-ka ayaa ku adkeysanaya in cod loo qaado qaraarkooda, laguna ansixiyo cod hal dheeri ah, waxaana laga war helay in Guddomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh uu doonayo inuu Guddi u saaro arrintan Metelaadda G/Banaadir oo sharci ahaan kasoo tala bixiya, taasoo ay si weyn uga horjeedaan xildhibaannadaasi.
Xildhibaannada Digil & Mirifle ayaan weli go’aan gaarin iyadoo gorgortan ugu jira inay xubno ka helaan Gobolka Banaadir ama ay ka hor imaan doonaan metalaadda G/Banaadir, waxaana jira saadaal ah inay ku biiraan xildhibaannada diidan metalaadda G/Banaadir.
Guddoomiye Mursal ayey xildhibannadaas ku eedeeyeen inuu doonayo inuu metelaadda G/Banaadir ee Aqalka sare ka reebo xeerarka dhammeystirka Doorashooyinka, waxayna farriin adag u direen guddoonka Baarlamaanka iyagoo uga digay inay ka hor yimaadaan xuquuqda G/Banaadir.