Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay inuu qarax bam ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Baar ku yaalla xaafadda Silliga ee magaalada Baydhaba, halkaasoo ay fariisan jireen ciidamada daraawiishta mamulka K/Galbeed, laakiin xilliga qaraxa dhacay ayaa la sheegay inuusan wax ciidan ah halkaasi joogin.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in qof uu ku dhaawcamay qarax Bamkam kaasoo loo qaaday isbitaalka magaalada, waxaana goobta gaaray ciidamada amniga magaalada oo baaritaan ka sameeyay.
Magaalada Baydhaba ayaa la filayaa inay dhowaan ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed oo muddo laba jeer ah dib u dhac ku yimid.