Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax Gaari uu ka dhacay magaalada waxyar ka hor Salaadii Casir.
Qaraxa ayaa ahaa mid lagu xirau Gaari uu lahaa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliyaoo noociisu ahaa NISSAN SURF, wuxuuna qaraxay iyadoo gaariga la geeyay Kaalin Shidaal ooo ku taalla Degmada Dharkeynley.
Sarkaalka Gaariga watay oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, magaciisana lagu sheegay Kulane Cabdi ayaa ka badbaaday isagoo markaas uun ka degay gaariga, waxaana goobta gaaray ciidamada Booliska oo aaggaasi xiray.
Lama soo werin wax qasaare ah oo qaraxaasi geystay marka laga reebo burburka gaariga lagu xiray.